X

Ninka ugu cidiyo dheer aduunka oo Hindi ah oo ugu dambeyn laga jaray

Ninka ugu cidiyo dheer aduunka oo Hindi ah ayaa ugu dambeyn laga jaray. Ninkan oo lagu magacaabo Shridhal Shilaal ayaa gacanta bidix cideeda aan jarin muddo ku siman 60 sanno xilligaas oo uu sheegay inuu faraha ka qaaday.


Ninkan oo hadda da’diisu tahay 82 jir ayaa xamili kari waayay culeyska cidiyaha uu daystey intaas oo sanadood.

Ma isticmaali jirin gacanta bidix dharkana waa loo gelin jirey. Gacantiisa bidix ayaa naafo noqotey wuuna awoodi waayay inuu kala furo.


Macalinkeyga ayaa cidi ugu baxdey si bilaa u kasa iiga jaray kadibna waxaan go’aansaday inaan daayo si aan u arko intey leekaato ayuu yiri Shilaal


Ninkan ayaa u duuley Maraykanka si cididan dherer dhaaftey looga jaro.

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=gwoYzpesr4c[/embedyt]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.