X

Imisaa ku baxday safarada bilaa macniga ah ee Xasan Culusow?

Xasan Culusow (Xasan beenaale) ayay u qorshaysan tahay inuu safarkii 7-aad u baxo dalkaasi Masar oo dhaqaale ahaan ku tiirsan Carabta khaliijka siiba Sacuudiga iyo Imaaraadka. Safarkan waqti lumiska ayaan haba yaraatee wax faaiido ah ugu jirin dalka.


Haddaba waxaad is weydiin kartaa imisaa ku baxaysa safarada Xasan Culusow oo ay u dambeysay safar uu ku tagey Tansaaniya oo si xun loogu bahdiley, faaiidana aanu lahayn maadaama uu raadinayo ku biirista urur ay Somaliya hore ugu jirto.


”Safarada lixda ah marka laga reebo kan la sheegayo inuu berito tagayo waxay ku dhowdahay in ka badan laba milyan oo doolar, kaaga daran kuma jiro kharashaadka ehelada la socda ayuu yiri Cali Calasow oo xogtan soo helay.

Diyaarada keliya ayaa 50 kun ku kiraysan maxaad u malaynaysaa huteelada iyo cuntada xilli barnaamijkii abaarta ee Xasan Culusow ay u dhiibeen kooxda Xalane uu fashilmay ayuu raaciyay.



Waxa su’aasha imaanaysaa kuwii qabyaalada ku taageersana maxay ka oran doonaan kharashkan aadka u farabadan. ”Koley iyaga ma dhibayo waayo markii horeba waxoodu wuxuu ahaa qabyaalad cad ayuu yiri Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.