X

Suldaan Abshir waa Suldaanka askriga Muuse Faashil iibsan kari waayey

Imisaan ka hadlaayey dhibaatada gooni goosadka muuse faashil

Anigana hadhow iyo faalo inaan ka hafeeftay oo weliba hiif iga gaadhay Hagar-laawe Ii gali Buuga diiwaanka Isagaan Wax Hilmaamine.
“AHUN” Abwaan Kaariye


Suldaan Abshir Maanta ayaa Maamulka Askartu u Gudbiyeen Jeelka Madheera, Caawana Xarunta dembi baadhista Hargeysa ayuu ku xidhan yahay , Haayadaha Xuquuqul Insaanka Amnesty International Xarunta Kiiniya & Ingiriiska Waan u gudbinay iyo muuqaal lagu xidhay.


Suldaan Abshir oo Qoraal u bedelnay Sifiican Jawaabtoodana 18/12/2019 ayaan sugaynaa , Dhanka kale waxaa Iman doona Isla maalinta Haayadihii joojiyey deeqaha Maamulka Gooni-goosadka Hargeysa Waana Marag fiican Wixii ka Soo kordha waad la socon Doontaan

Awdal iyo Laanta Maanta arinka ka taagan waa Carjuuq-dheh Cidkasta oo Fashilisa Maamulka Gooni-goosadka (Secessionist).


Dhalinyarada Wax-garadka iyo

Suldaan u danbeeyey Suldaan Abshir oo ah Suldaanka ugu firfircoon ugu daacadsan , Alxaasil Shaqsiyada Damiirkoodu nool-yahay ee ka Hadla Xaalada Gobolka siina sheega Shirqoolada maleegayaan ay damacsan yihiin.


Askartu ayaa markaaba Jeelka loo taxaabaa, Aniga laftayda waxaan uga Maqanahay Gobolka Awdal xadhigaa tirada beelay ee Regime Muse Fashil u adeegsanayo dabadhilif ka saylici oo aqoontiisa waayo aragnimo ee 9 sano Noqotay Cunfiga ,Cuqdada,eexda ,Kala dilida umadda Reer Awdal.


intaba waxaa loo adeegsada Gacan-yaraasha Muse faashil.

Hadaba
“Suldaan Abshir waa ka kaliya ee Maamulka Askartu
Ka Seexan waayeen Waana Suldaanka kaliya ee uu iibsan Kari waayey taliska Muse Handaraab ” Halka hunguri-dhaqameedyo Askarigu Qiimo Jaban ku iibsado.

Maamulka Gooni-goosadka Askartu Dhuuni raaca ah oo kaliya ayaa la shaqeeya.

Suldan Abshir waa Halyey Umadda Soomaaliyeed wada ogtahay shacabka u hadlayaana waa Gobolka Awdal, Inta wax fahmayaa mooyee Inta badan Waxay awoodi Kari waayeen inay ka hadlaan Suldaanka Suldaanada Gobolada waqooyi Waa Nasiib daro .


Hadaad ka amusto maanta beri gurigaaga ayuu daadku kuugu Soo geli, Hadaad ka taagan waydaan Askarta iyo Dabadhilifka ugu liita ee Sunaami saylici Gobolka Awdal ku habsaday.

Qalinkii  Mukhtar Ali yaabe

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.