X

In horjooge Axmed Madoobe iyo Siciid Deni XALANE isku shubaan waa qorshe degsanaa: DAAWO

Waxa Xarunta XALANE isku shubey horjoogeyaasha ay wataan kooxda sheegata beesha caalamka ee Axmed Madoobe iyo Siciid Deni. Labadan horjooge ay hore ugu furtuurey labadi fadhiid ee ka horeeyay madaxweynaha talada haya.


Axmed Madoobe wuxuu sujuudsiiyay fadhiid Xasan Sheekh halka fadhiid Shariif Sh Axmed uu diidi kari waayay soo gelitaanka ciidanka Kiiniya.

ā€¯Waxase labadoodaba ciida afka u daray madaxweynaha talada dalka haya markii uu eryay horjoogihii kooxda sheegata beesha caalamka ee qaramada midoobey laba sano kahor.


Marka wax cusub maaha inay ku hoydaan xerada XALANE waayo waxa jooga ciday ka amar qaataan ee weliba soo gaarsiiyay heerkan ah in laga ogolaado in la burburiyo barlamaankii taladii qarankana iyaga qayb laga siiyo.

Hoos ka daawo sheekh Xasan Daheeye oo isagu qaba in labadaa bartooda lagu xiro


c/llaahi Warahaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.