X

In ka badan 700 oo naftood haligeyaala oo Liibiya laga soo badbaadiyay

Waxa welli Liibiya jooga kumanaan naftood heligayaala oo raba inay gaaraan xeebaha reer galbeedka. Waxase usbuucan la soo badbaadiyay in ka badan 700 oo qof oo ku sigtey inay baddu liqdo.


ā€¯Waxaan hadda badbaadinay in ka badan 500 oo caagii ay la socdeen uu biyaha qaatey oo keliya ay harsanayd inay degto ayuu yiri afhayeen u hadlay markab Jarmala oo iyagu isku xilqaamay inay dadkaan badbaadiyaan kadibna Liibiya dib ugu celiyaan.

Waxaan haddana soo badbaadinay in ka badan 200 oo iyagana doonyihii ay la socdeen qaarkood ku dhawaayeen inay degaan maadaama cadadka saaran ay ka badan yihiin inta loogu talogalay.


Natfood heligeyaashan ayaa inta badan ku dambeeya Talyaaniga ayagoo marka dambe gala wadamada kale ee Yurub sida Jarmalka. Inta badan ma helaan sharciyo ay ku joogaan, waxana waqti kaga lumaa sharci raadinta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.