X

Indooniisiya oo ay ka dhaceen weerar argagixiso oo aan hore loo arag noociisa: SAWIRO

Indooniisiya ayaa ay ka dhaceen weerar argagixiso oo aan hore loo arag noociisa. Shalay ayay ahayd markii nin Daacish soo tababartey maskaxdana ka xaday uu qarxiyay dhamaan qoyskiisii.

Dadkan uu halaagay ayaa waxa ku jirtey xaaskiisa laba wiil iyo laba gabdhood oo aan qaangaadhin. Labada wiil ayaa iyaguna ahaa da’da argagixisadu u adeegsato isqarxinta.



Ninkan ayaa qoyskiisa kala baahiyay aakhirkiina isagu isku qarxiyay kaniisad ay dad Kiristaana si nabada ugu caabudaayeen diintooda kana mida goobaha diintu xaaraantimaysay in la waxyeeleeyo.

Labada gabdhood ayuu ku xirey suuman qarax ka buuxo, waxayna galeen kaniisad iskuna qarxiyeen.

Isqarxintii labaad ayaa iyadna maanta oo Isniina ka dhacdey xarun booliisku leeyahay, halkaas oo la sheegay in dadka isqarxinta gaystey ay ku jirtey gabadh sideed Jira oo gacanta lagu dhigey.



Waa markii ugu horeysay caalamka Muslimiinta ee argagixisadu layso ay adeegsadaan qoys dhan, halka awal ay dhici jirtey in qoyska hal qof ay ka duufsadaan argagixisada Daacish ama Shabaab magacey doonaanba hala baxaaana.

Madaxweynaha dalkaasi Indooniisiya ayaa ku tilmaamey ficiladan u dambeeyay kuwa fuleynimo kana fog bani-aadammnimada, wuxuuna balan qaadey in la ciribtirayo argagixisada.

Qoyskan ayaa jaarku beeniyeen inay tageen Siiriya laakiin la ogaadey inay ku jireen urur la Jira argagixisada oo Indooniisiya ka dhisan. Waxay noola muuqdeen qoys caadiya, xataa caruurtoodu waxay la ciyaari jireen caruurtayada ayuu yiri  jaarka qoyskan odeygu halaagey.

Sawiradan hoose waa qoyska ishaligey

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.