X

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho rasmi ah uga bilaabatey Qadar: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah uga bilaabatey dalkaasi yar ee ay ka taliyaan urur diimeedka akhwaan Muslimiin ee Qadar ayna col la yihiin Wahaabiyiinta Sucuudiga iyo Imaaraadka.



Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Xamad Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Qatar Mudane Jasim Sayf Axmed Al Sulayti, Ku Simaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda.



Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryam Aweys Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Madaxweynaha ayaa filaya in loo soo dhiibo jawaano lacaga iyo balanqaadyo lagu dhisayo ciidamada Qaranka iyo mashaariicyo ay ka fuliyaan gudaha dalka.

Wahaabiyiinta Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa Somaliya kula coloobey sababta ay xiriirka ugu jari waayeen Qadar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.