X

Ingiriiska oo dhulgariir ku dhiftey

Ingiriiska ayaa dhulgariir ku dhiftey. Dhulgariirka ayaa u badnaa gobolka Wales ee Ingiriiska halkaas oo dadku aad u dareemay dhulgariirka oo xadidkiisa lagu qiyaasay 4.4 qaabka loo qiyaaso dhulgariirka.



Gobolka Wales ee Ingiriiska ayaa dadku iswaydiinayay waxa dhacaya. Dhulgariirka ayaa laga dareemay caasimada London oo daaraha waxoogaa ruxmeen.

Waan arkayaa in wax ruxmayaan laakiin ma garanayn waxa uu yahay. Oday Somali ah ayaa isna yiri waxaan dareemay walwal ma nafsadeydaa mise wax kalaa Jira.



Dhulgariirka ayaan ku badneyn Ingiriiska laakiin la dareemaa markuu dhaco. Dhismayaal ku yaala magaalada Bristol oo Somali badan degan tahay ayaa la sheegayaa inay waxyeelo soo gaartey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.