X

Wasiirka arimaha dibedda oo la kulmey jaaliyada Kolombos: SAWIRO

Wasiirka arimaha dibedda Somaliya Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmey jaaliyada Kolombos.

Waxaa soo abaabulay xafladan urur siyaasi ah oo ka dhisan gobolka Ohio laguna magacaabo ( New American Political Action Committee ) waxaana xaflada ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Columbus.



Dadka ka hadlay xafladan cashadaa waxa ay intooda badan u hambalyaynayeen Wasiirka oo ay in badan soo wada shaqeeyeen mudadii uu ahaa Safiirkii u fadhiyay dowladda Soomaaliya dalka Maraykanka.



Wasiir Cawad ayaa dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka degan ka codsaday in la dhiso Guri ay yeelato safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkan Mareykanka.

Waxa uu xusay in mudadii uu safiirka ahaa ka gaabsaday in uu soo bandhigo fikirka dhismaha safaarada isaga oo xusay in dadku u arki karaan in macne kale laga wato ama dano gaar ah laga leeyahay, balse waxa uu xusay in iminka uusan safiir ahayn balse uu ogyahay baahida jirta.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.