10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ingiriiska oo diidey in uu eego ilkaha caruur qoxootiya oo laga keenayo Faransiiska

Dawlada Ingiriiska ayaa ku gacansaydhey in ay eegto ilkaha caruur qoxootiya oo laga soo qaadayo Faransiiska loona keenayo qaraabadooda oo joogta Ingiriiska. Xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ayaa ku baaqay in ilkaha laga eego.

Waxa jira xadka Ingiriiska iyo Faransiiska qaasatan dhinaca Faransiiska caruur aad u farabadan oo waalidiintood soo tureen sidaana ku soo galay Faransiiska. Caruurta ayaa xaq u leh in qoxootinimo la siiyo iyadoo aan loo fiirin halka ay ka yimaadeen.

Waxana isa soo taraya dad waaweyn oo caruur qorta si deg deg loogu qaabilo loona siiyo hoy iyo dugsi. Waana ta keentay in xildhibaankaasi ku baaqo in caruurtan la xaqiijiyo da’da ay sheeganayaan.

Ingiriiska ayaa ogolaadey in uu qaato caruurtan ay qaraabadoodu joogto Ingiriiska. Faransiska ayaa isna sheegay in uu xidhayo markii labaad goob xero iska noqotey oo ay ka buuxaan qoxooti u badan Afrika iyo Eeshiya oo dhamaantood raba in ay Ingiriiska soo galaan.

Dhinaca kale dhaqaatiirta ilkaha ee Ingiriiska ayaa iyaguna diidey soo jeedismada ka timi xildhibaankaas ka tirsan xisbiga haweenayda Ingiriiska ee Tory.

2709772.main_image[1]

Calais-jungle-camp-307026[1]

_91991170_migrant_allen_grab[1]

Calais-jungle-camp-307026[1]

Calais2015a[1] o-CALAIS-JUNGLE-facebook[1] Overview_of_Calais_Jungle[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS