X

Ingiriiska oo gudniinka gabdhaha u isticmaalaya in waalidka lagala wareego caruurta: WARBIXIN

Ingiriiska ayaa gudniinka gabdhaha u isticmaalaya in waalidka lagala wareego caruurta sida warbixin ay ku soo baxdey. Warbixin naxdinleh ayaa lagu sheegay sida qoys loogala wareegay caruurta ayadoo laga shikiyay kaliya.

Qoyskan lagala wareegtay caruurta oo la hadlay idaacada Ingiriiska ee BBC ayaa sheegay in kaliya halmaalin ay umulisadeeda ka waraysay gudniinka kadibna umulisadii u gudbisay booliiska.

Booliiska ayaa dacwad ku furey waxana lagala wareegay caruurtii intii baaritaanku socdey. Caruurta oo aan hadli Karin lana socon waxa jira ayaa loo geeyay dad aan dhalin oo looga yaqaan Koriso.

”Waxay haweenaydan ka warantey sida ay in muddo ugu jirtey cabsi iyo jahwareer iyo hurdo la’aan. ”Habeen oo dhan ma seexdo mana ogi waxa caruurteyda ku sugan yihiin ayay tiri”.

Sharci uu Ingiriisku soo saaray ayaa lagu amrey haykalo kala duwan sida macalimiinta dugsiyada, xarumaha caafimaadka, iyo kuwo kale in ay basaasaan haweenka iyo caruurta.

Waxa caada ah Ingiriiska in la waraysto caruurta yaryar ee sadex jirka ah iyo kuwo ku jira dugsiyada hoose ilaa dhexe si loo basaaso qoyska.



Haweenaydan ayaa caruurteeda laga haystey muddo sideed bilooda, mudadaas oo baaritaanku socdey, inkastoo markii dambe lagu waayay gudniinkii lagu soo eedeeyay.

Hay’ad la shaqaysa waalidiinta si loo joojiyo jarjarida lagu hayo gabdhaha ayaa walaac ka muujisay sida loola dhaqmayo qoysaska kuna tilmaantey IDDO xero lagu oodey oo aan la garanayn xilliga la siin deyn doono.

Waalidiinta Somaliyeed ayaa isku raacsan badankoodu in jarjarida gabdhuhu ayna diin shaqo ku lahayn, waxase walaac ka jiraa ayadoo tani loo isticmalo in caruurta loogala wareego waalidka ayay tiri MUXUBO oo aan wax ka weydiinay.

Hay’adu waxay kaloo sheegtay in qoyska la geliyo SHIKI inta baaritaanku socdo waxayna ku eedaysay siyaasiyiinta in ay buur garaacayaan oo ayna jirin mowjad gabdho ah oo lagu gudayo dalka Ingiriiska.



Hay’daha caafimaadka ayaa sheegay in gudniinka badankiisu ka dhaco dalka dibediisa ama kahor inta ay caruurtu iman dalka. Ingiriiska ayaa gudniinku madnuuc ahaa ilaa sanadii 1985 waxase muuqata in sharcigan cusub loo adeegsanayo in caruurta lagala wareego waalidka ayadoo dadka badankiisu qaba in ay dan ugu jirin caruurta haddii arintan loo samaynayo ilaalinta caruurta.

Afhayeen u hadley dawlada xageeda ayaa yiri waxaan weerar ku haynaa gudniinka waxaanan soo saarney hagid cusub oo loo marayo sidii maxkamad loo keeni lahaa dadka wax gudaya, kamase hadlin caruurta waalidka lagala wareegayo.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.