X

Saylici oo ka muquurtey soo dhaweyntii Siilaanyo iyo kala fogaanshaha jira

Saylici ayaa ka muquurtey soo dhaweyntii Siilaanyo iyo kala fogaanshaha jira. Warar xoga oo laga helay ilo ka-dhex-dhow Waftigii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa tibaaxay Madaxweynaha iyo waftigiisu inay kusoo war-geliyeen Imaatinka Isniinta ee Waftiga Madaxweyne ku-xiggeenka.

Hase-yeeshee Madaxweyne ku-xigeenku sidda muuqata arrinkaa dheggeey-jalaq-umuu siin. Waxa kaloo Wararku intaa ku darreen Madaxweynaha iyo waftigiisu iyo Madaxweyne ku-xigeenku inay talo-ka yeesheen Safarka Boorama iyo cidda tagi-doonta, sidaas darteed labada dhinac isla qaateen in loo daayo safarka Boorama Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, balse wax khaldamaybaa taasina ma dhicin. Madaxweyne-ku-xigeenkuna intuu Xukuumada wixii ka joogay Hargeysa cagta sii mariyey, ayuu weliba isagoo hor-kacaya u arooriyey Boorama iyo halkii la isku oggaa inuu u dhaafo Madaxweyne-ku-xigeenku Musharrax Muuse iyo Gudoomiye-ku-xiggeenka cusub, si isagguna waa Md. Saylici’ye uga qayb-qaato soo dhoweynta waftiga Madaxweynaha uu xilkiisa sii hayey.



Geesta kale, illaha Wargeysku xogta ka helay, waxay xuseen inay sabab u tahay Madaxweyne-ku-xigeenku inuu ka baaqdo soo dhoweynta Madaxweynaha arrin ka dhalatay xurguf-siyaasadeed oo ka dhacday Madaarka Hargeysa intii lagu gudo-jiray sabootiskii Waftiga Madaxweynaha, arrintaasoo sida xoggaha lagu sheegay ahayd khaa-khaayiraad ka dhacday qolkaa nasashadda ee Madaarka Hargeysa, taasoo sidda illuhu tibbaaxeen xubno iskugu jiray qoyska iyo xulufadoodu ku boobeen Madaxweyne-ku-xigeen Saylici. Hase-ahaatee illuhu ma xusin xubnaha arrinkaa ku kacay iyo nooca khaa-khaayiraaddu ahayd.



Dhacdadan oo marka si loo eeggo ah mid muujinaysaa inuu jiro khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, wallow khilaafka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu sheekaddiisu noqotay War la qabaa xiiso ma leh, oo intii xilka ay hayeenba la maqlaayey way is-haystaan iyo Madaxweyne-ku-xigeenkii wuu du’day, balse haddaana is-haysadkooda Maantu wuu ka duwan yahay wixii hore, maxaa yeelay mar waxa lagu jiraa aakhirul-cimrigii Xukuumadda, marna Madaxweynuhuu waa kan ka hadhay doorashadda teeramkiisa labaad, sidaas awgeed gari-allay taqaannaayee, kol hadii Madaxweyne-ku-xigeenku isaggu maanta uu yahay Musharrax doorashadda u taagan, isla markaana u baahan yahay taageeradda Madaxweynihiisa xilka ka tagaya, waxa haboonneyd isagoo intaa iyo in kaloo faro-badan maskaxdiisa ku hayaa inuu wax-walbaa liqo, oo xataa go’aanno ad-adag hadday ku yimaadaan ay ahayd inuu indhaha ka laaliyo.

Hase-yeeshee marka aynu soo qaadano ficillada Madaxweyne ku-xigeenku uu ku socdo, sida arrinka Gurigii hore ee badhasaabka Awdal oo Madaxweynuhuu sifo-sharci ah ku siiyey Muwaadin reer Boorama ah, balse Madaxweyne-ku-xigeenka arrinka Gurigaasi uu ka daadegi la’yahay ilaa Maanta, intii Madaxweynuhu safarka ku maqnaana uu dhawr jeer faro-gelin ku sameeyey arrinka Guriga, ilaayo hadda oo u boorama joogo Madaxweyne-ku-xigeenku aanu ka madhnay sheekedda Guriga.

Maxamed Yuusuf

Xigasho Yoolka

admin:

This website uses cookies.