X

Ingiriiska oo iska weeciyay markab sida qaxooti Somali iyo Eritariyaan ah oo badda taagan

Ingiriiska ayaa iska weeciyay markab sida qaxooti Somali iyo Eritariyaan ah oo badda taagan. Markabkan oo sita calanka gacanta Jibroolta oo ku taal Isbayn laakiin ka tirsan Ingiriiska ayaa waxa fuushan dad gaaraya 141 qaxooti.


Waxa dadkaasi ku jira 67 caruura oo qaarkood aan cidi la socon. Wuxuu markabkani jooga inta u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya. Talyaaniga ayaa sheegay in dadkan ay masuul ka yihiin Ingiriisku maadaama markabka ay leeyihiin dhul hoostaga Ingiriiska.


Ingiriiska ayaa isna ku doodaya in siyaasada Yurub u taala ay tahay in qaxootiga laga diiwaan geliyo wadanka ugu horeeya ee ay Yurub ay ka soo galaan. Talyaaniga ayaa qaba in aan lala qaybsan qaxootiga ka imaanaya Liibiya oo ah wadan uu burburiyay Maraykanka iyo reer galbeedku.


Dadka saaran markabkan ayaa ah dad silicsan oo la soo kufsaday la soona garaacay ama jirdiley oo aan nolol ku nooleyn. ”Waxa i haystey nin Liibiyaana muddo afar bilooda wuxuu doonana wuu igu samayn jirey ayaa laga soo xigtey gabadh magaceeda la qariyay.

Lama garanayo halka dadkan ku dambeyn doonaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.