X

Ingiriiska oo ka mida dawladaha qasaya dalka oo isugu yeeray Qaramada Midoobey

Waxa Ingiriiska oo ka mida dawladaha qasaya dalklak kana mida kuwa beesha caalamka ayaa kulan maanta isugu yeeray qaramada midoobey xuubnaha shanta iyo kuwa kale, waxana la filayaa inuu hordhigo waraaq uu soo diyaarsaday.


Wadamada kale ee aduunka sida Ruushka iyo Shiinaha ayaa gabi ahaanba diidi doona waraaqda Ingiriisku soo qortey oo ay taageeri doonaan Maraykanka iyo Faransiiska. Maaha markii ugu horeysay ee Ingiriisku mijaxaabiyo qaranka Somaliyeed.

Wuxuu sanadwalba soo jeediyaa inaan Somaliya laga qaadin cunaqataynta hubka. Wuxuuna toos ugu xiran yahay gooni goosadka gabalkoodii dhacay iyo Kiiniya.


Ingiriiska oo wada danta Kiiniya ayaa raba in meesha laga saaro Madaxweynaha hadda jooga laguna bedelo fadhiidyo hore u soo fashilmey ama caade qaate cusub oo dalka dib u celiya 20 sano ayuu yiri Cali Calasow.

Maamul jufeedyada

Dawlada Somaliya oo qoorta loo geliyay maamul jufeedyada ay wataan kooxda beesha caalamka ayaa doorashada dalka halkan soo gaarsiiyay, waana sida ay rabaan kooxda beesha caalamka.


Waraaqda Ingiriisku hordhigayo qaramada midoobey gaar ahaan shanta xubnood ayaa ah mid la garanayo waxa ku qoran, waana mid la rabo in eeda la saaro madaxweynaha qaranka oo ay rabaan inaanu ku soo noqon madaxtinimada.


Somaliya waa qaran dawlada hadda jirtana waxay balan qaaday inayna amar ka qaadan kooxda sheegata beesha caalamka. ā€¯Waxay rabaan inay ka aargoostaan madaxweynaha oo eryay mid iyaga ka mida. Somaliya waa inay joojisaa tababarada mijaxaabinta ee Ingiriisku ka wado Baydhabo ee uu ku wiiqaya qaranimada iyo walaalaheen Turkiga.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.