X

Iiraan oo bandhigtey doonyo gantaalo saaran yihiin oo baqdin geliyay Maraykanka

Ciidanka xooga dalka ee dalkaasi Iiraan aya soo bandhigtey doonyo aad u dheereeya oo ay saaran yihiin gantaalo meelfog wax ka duqeyn kara. Doonyaha oo gaaraya ayaa dalku ugu talogalay ilaalinta xeebaha dalkeeda siiba badda Carabta.


”Horena waan ugu dirney fariinta haddana waan u direynaa gobolkan iyo biyihiisa waxa iska leh Iiraan waxaanan cadowga (Maraykanka iyo Yuhuuda) waad ku gubanaysaan ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidanka adag ee Jamhuuriga.

”Waxay sanado badan isku dayeen inay bedelaan sawirka gobolka ayagoo saldhigyo noo dhawow ka samaystey, waxase balana inaan hilfaha u qaadno ayuu raaciyay.


Iiraan ayaa maalmo yar kadib markii la dhaariyay madaxweynaha cusub ee Maraykanka samaysay dhoolatus ay ka naxday Yuhuudu.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.