X

Ingiriiska oo sheegta xoriyada hadalka oo daaqada ka saaray warbaahin caana

Dawlada Ingiriiska oo faafisa beenta ah in xoriyad ku dhaqmaan hadday noqoto dhinaca saxaafada iyo hadalka caadiga ee dhaleecaynta ayaa daaqada ka saartey warbaahinta caanka ah ee Shiinaha ee loo soo gaabiyo CGTN.


Warbaahintan ayaa lagu yaqaan inay gudbiyaan firkrado xora oo ka duwan kuwa ku dhisan faafinta khaniisnimada ee ay dunida u gudbiyaan idaacada ku hadasha af-ka Ingiriiska ee BBC.

Sanado badan ayaa saxaafada reer galbeedku aad u qabsadeen aduunka ayagoo faafin jirey fikradahooda hantigooska diidanaana kuwa hantiwadaaga oo ah laba nidaam oo dhaqaale oo kala duwan laakiin inta badan isku mida.


”Waxaan kala noqonay ruqsadii aan siinay idaacada aduunka ee Shiinaha ee loo soo gaabiyo CGTN inay ka shaqayso dalka Ingiriiska kadib markii aan aragney inay u shaqayso xisbiga hantiwadaaga ee Shiinaha.

Waxay sheegeen in ruqsadan hore loo siiyay warbaahin kale laakiin warbaahintaasi u gudbisay CGTN, waxase meesha taala inayna jeclayn warka xorta ee ay faafinayso CGTN.


”Waa cabudhin saxaafada xorta xilli ay sheeganayso in saxaafadu xortahay oo ay furan karaan ayuu yiri Xuseen Warsame been dambase naloo sheegi maayo.

Ingiriiska yaa hore ruqsada ugala noqday idaacada weyn ee Ruushka ee RT. Idaacadaas RT ayaa hadda ah idaacadaha waaweyn ee aad loogu xiran yahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.