30/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ingiriiska oo war ka soo saaray ninkii isku qarxiyay xarun ku taala magaalada Manjister

Ingiriiska ayaa war ka soo saaray ninkii isku qarxiyay xarun ku taala magaalada Manjister ee Woqooyiga dalkaasi halkaasi oo ay ku dhinteen dad gaara 22 qof oo u badnaa dhalinyar caruurna ku jirtey.

Booliiska dalkaasi ayaa soo saaray sawirka nin dhalinyaro ah oo ay ku sheegeen Salman Cabedi kuna dhashay Ingiriiska kana soo jeeda Libya uu ahaa ninka isku qarxiyay xarunta.



Wiilkan dhalinyarada ah ayaa ay ku sheegeen in uu tababar ku soo qaatey xerooyin ku yaala Liibiya iyo Siiriya. Ingiriiska ayaa qayb ka ahaa xukun ka tuuristii Muamar Gadaafi.



Warka ninkan is qarxiyay ayaa waxa sii daayay sirdoonka Maraykanka kahor inta booliiska Ingiriisku sii dayn taas oo ka cadhaysiisay Ingiriiska. WAsiirada arimaha gudaha ayaa dalbatey in ay taasi mardambe dhicin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS