X

Ingiriiska oo xidhmo shidaal oo ku taal Togdheer ku wareejay Taywaan

shidaal

Shirkad Ingiriisa oo inta badan ka shaqaysa meelaha colaaduhu iyo dawlad la’aantu ka jirto ayaa sheegtay in baadhitaankii shidaal ee ay ka waday gobolka Togdheer ay ku wareejisay gooni goosatada Taywaan.


”Waxaan xidhmadaa aan hore u baadhnay ku wareejinay shirkad Taywaana oo iyadu qoditaanka bilaabi doonta hal sano iyo waxoogaa kadib aya Ingiriisku sheegay.

Ingiriiska oo Somaliya cunaqatayn ku haya ayaa jidad waaweyn ka dilaaciyay duleedka Hargeysa halka dalka intiisa kale uu geeyo askar. Gooni goosadka Taywaan oo Somalidu ayba aqoonba ayaa waxa keenay Woqooyiga danaha Maraykanka uu uga hirtago in dawlada Somaliya cagaheeda isku taagto.


Xidhmada Oodweyne ayaa lagu sheegay in shidaal badan ku jiro. Somaliya ayaa ah dal qaniya laakiin haddii aan la habayn oo loo ogolaado maamul jufeedyadu inay maamulaan ay halis kale u keeni karto.



”Waxa ilaa hadda ku dagaalmaya kheyraadka dalka gaalada waaweyn ee isku sheega beesha caalamka ee uu ugu horeeyo Ingiriiska oo dhinac ka wata Maraylanka ayuu yiri Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.