X

Ingiriiska oo raba inuu siyaasadeeyo dabka ka kacay Hargeysa

Waxa bas beelay suuqii weynaa ee magaalada Hargeysa oo welli holcaya xilligan aan qorayo warbixintan. Waxa dadku is weydiinayaan tolow wax ma ii badbaaday maadaama dabkii suuqa ka kacay loo waayay awood lagu bakhtiiyo. Askarta magaalada iyo hantida dadku badbaadiyeen ayaan dadku ka seexan karin madaama ay cidla taalo.


Haddaba mashaqadan ayaa la sheegayaa in Ingiriiska rabo inuu siyaasad ahaan uga faaiideysto oo uu keeno caawimo yar oo i arka ah isagoo isku dayaaya inuu iska dhigo inuu gargaar fidinayo laakiin ujeedadu tahay sii kala sii fogeyn dadka sida uu qabo Xuseen Warsame.


”Way dhici kartaa in Ingiriisku uga faaiideysto mashaqadan danihiisa gaarka ah isagoo isleh ka hortaga mucaawino ka imaan karta dawlada dhexe ee Somaliya xilli ay durba soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo la hadlay horjooge Muuse Biixi ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Waxa dawladu isha ku haysaa isku dirka laga filan karo Ingiriiska iyo kuwa kalaba ayuu qabaa Xirsi Warfaa. Dawlada Somaliya iyo shacabkuba ha isku dayaan in wixii dar Ilaahay loo bixin karo loo bixiyo ayadoo la ilaawayo siyaasada kala fogeynta ee maamuladii jiray dadkaku nool magaalada Hargeysa ayuu raaciyay Xirsi Warfaa.



”Waxaan maqlayaa dab weyn ayaa ka kacay Hargeysa ayuu yiri cunsuriga u taliya Ingiriiska ee Booris waxaan isku dayi doonaa inaan dib u dhisno magaalada ayaa laga soo xigtey waxyar kadib marii madaxweyne Farmaajo ka hadlay.

Ingiriiska ayaa si toosa u siiya lacag aanu siinin gobolada kale ee Woqooyiga inkastoo lacagtaas badankeeda ay cunaan isla horjoogaha maamulka. ”Ama Muslim haka timaado ama gaalkaa Ingiriiska marnaba raali kama nihin in horjooge Muuse Handaraab wax naloogu dhiibo ayuu yidhi Oday ka mida dadka masaakiinta ah ee buulkiisii bas beelay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.