X

Hirshabeele oo cadho ka muujisay xildhibaanadii Rooble ka reebay liistada

Maamulka Hirshabeelle ayaa qoraal uu caawa soo saaray ku sheegay sida ay uga cadhaysan yihiin liistadii ay soo gudbiyeen oo xildhibaan si cad looga reebay taasna uu ku kacay guddi ku sheega dawlada dhexe.


Qoraalka ayaa lagu sheegay inay liistada saxda ah u gudbi doonaan xoghayeyaasha labada aqal ee barlamaanka. Waxay uga digeen Rooble Baahane inuu farogeliyo liiska doorashada uuna carqaladeyn. Waxay kala noqdeen ogolaanshihii gudoomiye ku sheega guddiga doorashada.

Hoos ka akhri

Maamulka Hirshabeelle waxa ay u gudbisay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ( FEIT) Xildhibaanada lagu soo doortay labada deegaan doorasho ee Hirshabeelle oo tiradooda guud ay ahayd 28 Mudane oo Golaha Shacabka iyo 8 Mudane oo Aqalka Sare ah.


Gudoomiyaha FEIT wuxuu shaaciyay tirada xildhibaanada cusub ee lasoo doortay, waxaana laga reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo Kamid ahaa kuraastii Golaha shacabka uu soo gudbiyay gudiga doorashada SEIT ee Hirshabeelle.

Kursiga HOP086 wuxuu soo maray dhamaan habraacyadii loogu talagalay doorashooyinka , mana jirin wax dacwo ah oo nooga timid beesha leh kursiga ama murashaxiintii ku tartantay.


Sidaas darteed, maadaama Guddoomiyaha Gudiga uu ku kacay talaabooyin aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii doorashada, waxay Guddiga SEIT ee Hirshabeelle si toos ah ugu gudbinayaan liiska rasmiga Xoghayeyaasha Labada Aqalka ee Barlamaanka Federaalka.



Ugu dambeyntii, waxaan uga digeynaa gudiga FEIT in aan la siyaasadeyn habsami usocodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii Golaha wadatashiga qaran, si looga fogaadaa wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka.

DHAMMAAD

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.