26/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Injineero ka socda Talyaaniga oo dayactir ku samaynaya wadada Garoowe ilaa Laascaanood: SAWIRO

Wadada isku xirta Garoowe ilaa Laascaanood ayaan haba yaraatee helin dayactir muddo ku siman 30 sano. Haddaba waxa wadadaas soo gaartey burbur xoogleh oo ay sababeen duug iyo roobab waxyeelo waaweyn u gaystey.



Maamulka Butlaan ayaa heshiis hoose la galay shirkad Talyaani ah oo maanta halkaas la geeyay si ay qiimeyn ugu samayso. Lacagta badankeeda ayaa waxa bixinaysa Talyaaniga, ayadoo qayb ahaan ay soo martey dawlada dhexe.

Butlaan ayaa rabta in dayactirka la gaadhsiiyo ilaa inta iyadu joogto ee God-qaboobe.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS