X

Injineero Turki ah oo ka badbaadey qarax argagixiso maleegtay

Warka naga soo gaaraya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in injineero Turki ah Ka badbaadeen qaraxyo loogu aasay wadada hareeraheeda oo ay dhigeem dhiigmiiratada shabaab oo iyadu xalaashatey dhiiga Muslimiinta.


Warka ayaa sheegaya in hal injineer ku dhaawacmey halka ilaaladana uu soo gaaray dhaawac fudud. Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa xoog u burburtey waxana dhisa shirkado Turki ah.

Maaha markii ugu horeysay ee argagixisadu qaraxyo u aasto dadka u adeegaya bulshada. Dhawaan ayay ahayd markii ay dileen macalimiin Suuriyaana.


Goobta qaraxu Ka dhacay ayaa waxa markiiba gaaray ciidan ka tirsan dawlada oo qabqabtey dhalinyar Ka agdhawaa oo loo malaynayo inuu rimood ku qarxiyee.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.