X

Gacan ku dhiigle birimageydo diley oo gacanta lagu dhigey

Ciidanka amniga ee degmada Beledweyne ayaa gacanta ku dhigey gacan ku dhiigle diley birimageydo. Dilka foosha xun ee laga argagaxay ayaa ka dhacay suuqa magaaladaas.


Haweenayda la diley ayaa la sheegay inay qaad ku iibinaysay magaalada kadibna gacan ku dhiiglaha wada murmeen. Waxa dadka qaar sheegayaan in uu rabay inuu qaadka xoog uga qaato laakiin ay muujisay geesinimo.

Intaas kadibna uu midi ku dhuftey iskuna dayay inuu baxsado laakiin ciidamo amni oo Ka ag-dhawaa qabteen.


Dadka magaalada iyo ehelada ayaa raba in si deg dega ah loo dilo maadaama dilku yahay mid cadaana. Haweenayda ayaa u dhimatey dhiigbax kadib markii loola cararay isbitaalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINE

admin:

This website uses cookies.