X

Iran markasta waa diyaar inay la hadasho Sucuudiga: Maxamed Sariif

Wasiirka arimaha dibeda ee Iiraan Maxamed Sariif ayaa sheegay in dalkiisu markasta diyaar u yahay inuu la hadlo jaarkiisa Sucuudiga waa haddi iyagu ay diyaar yihiin.

Wahaabiyada Sucuudiga ee sunta Wahaabiyada ku faafisa aduunka Muslimka ah ayaa bishii hore soo dhaweysay 1500 askari oo ka yimi Maraykanka.


Waxa Yuhuuda iyo Maraykankuna ka caawiyaan dagaalka ay kula jirto dalka fiqiirka ah ee Yaman halkaas oo ay ku xasuuqeen kumanaan reer Yamaniya qaar badanina gaajo u dhimanayaan.

Wasiirka reer Iiraan ayaa sheegay in Iiraan weligeed xireyn albaabka wadahadalka siiba wadamada ay jaarka yihiin. Iiraan ayaa lagu eedeeyay inay shiicayso Muslimiinta lagu sheego Suniga sida inay fuliso barnaamijyo lagu badinayo dadka ay shiicayso ayagoo u guurinaya ama fududeeya guurkooda.


Diinta Islaamka ayaan lahayn waxa lagu sheego Sunni iyo Shiico, waxana Muslimka lagu gartaa inuu yahay qof aaminsan KELINIMADA ALLE awoodiisana cid kale ama wax uu abuurey ayna la qaybsan, waxna dhalin lana dhalin, uu yahay AWAL ama ugu horeyn iyo aakhirba halka rasuulkeenuna yahay Maxamed (CSW) ayna jirina wax ka dambeeya isaga iyo QURAANKA RABI u soo waxyoodey, intaas wixii dhaafsan ay culimada asalka ah qabaan in loo daayo qofka iyo RABIGIISA.

” Marnaba ma odhan Iiraan wadahadal diyaar uma aha albaabkayaguna waa furan yahay ayuu raaciyay Maxamed Sariif.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.