X

Awood la’aan ugama baaqan inaan Kismaayo tago: Wasiir Maxamed Cabdullaahi Oomaar

Wasiirka dgaadiidka iyo duulista hawada ee dawlada dhexe Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay inuuna Kismaayo uga baaqan awood la’aan laakiin ay masuuliyad saaran tahay. Wasiirka ayaa iskii uga baaqay inuu Kismaayo tago.


“Safarkii aan kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si uun iska horimaad u dhaco. Qof isku dayay inuu isoo qaado ma jiro. Inkastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho haddana Kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokow) ayuu yiri”.


“Hooyadii canuggeeda lala qabsaday ee la yiri aan idiin kala goyno waxey tiri ha loo daayo tii aanan dhalin iyadoo ka baqaysa in canugeeda la kala gooyo. Taas uun baan isku mid nahay ee awood aan Jubba ku imaado ma weyn ayuu raaciyay.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli Kismaayo oo ay ka taliso Kiiniya isla markaana wasiirada imaanaya ay u baahan yihiin in amnigooda la sugo inkastoo dawladu leedahay ciidan u gaara oo degan duleedka magaalada.

Waan ku raacsanahay wasiirka waayo dawlada masuuliyad ayaa saaran weyna awoodaan inay Kismaayo tagaan oo isku ciidanka Kiiniya ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho jooga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.