Irbad la isticmaaley ayaa laga helay macmacaanka loo yaqaan ayskiriim dalkaasi Kanada. Macmacaankan ayaa waxa iibsadey qoys lahaa xaflad dhalasho waxayna ka war heleen ayagoo cunaya in irbad sax ah kui jirto.
Shirkada ayaa codsatey in baaritaan buuxa lagu sameeyo sida wax u dhaceen. Qoyskii ninkani ka cuney iyo kuwii kalaba ee u dabaaldegayay dhalashada ayaa la amrey in ay galaan baaritaan caafimaad oo deg dega.
Xanuunada laga baarayo ayaa waxa ka mida cudurka keena Aydhiska, cudurada beerka ee A, B iyo C iyo kuwo kale.
Khuburada badankooda ayaa qaba in xaasidnimo loogu tuurey irbadan xilliga warshadu soo saaraysay ayskiriimkan. Wadamada Yurub ayaa aad looga cunaa ayskiriimka oo inta badan laga sameeyo khudrado iyo caano laysku darey oo kala duwan kadibna la raaciyo kimiko dheeraysa xilliga uu dhacayo.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay