X

Is bedelka lacagta Itoobiya oo musuq kale la timi

Dawlada uu hogaamiyo Cabi Axmed Axmed ayaa soo saartey lacag cusub oo cadaana oo bedelaysa tii hore u jirtey, waxana la soo kordhiyay lacag cusub. Dawlada ayaa sheegtay in ujeedadu tahay la dagaalankla musuq maasuqa ayadoo ay jirto lacago badan oo dad iskaga haystaan guryaha oo aan suuqa soo gelin.


Waxay sheegtay in bangiyadu bedeli doonaan lacagtii hore. Waxa kale oo dawladu sheegtay in ay uga baahan tahay sharci cadaynaya inuu isagu leeyahay qofkii la yimaada in ka badan afatan kun oo BIRA.

Waxase soo baxay in booliisku durba uu dhac bilaabay oo dadka uu ka gurey lacago ka yar lacagtaas la cayiamy. Wasiirka maaliyada Axmed Shide ayaa sheegay in ay qalad tahay in dadka laga guro lacagtaas lacago ka yar, wuxuu kaloo intaas raaciyay in ay jiraan ganacsato aan ku jirin kuwa ay ku waajibtey 40-ka kun sida kuwa korontada.


Dhinaca kale waxa la sheegayaa in dadka haysta lacago aad u farabandan inay u tagayaan shirkadaha loo ogolyahay kadibna ay dhiganayaan halkaas, taas oo dawladu sheegtay inay ka digeyso, sheegtayna inay eegi doonto baaqiqa qabashada.

Si kastaba ha ahaatee musuqa ay sheegtay dawlada Cabi Axmed inay la dagaalamayso ayaaba keenay inuu sii kordho. Lama sheegn in Somali badan loo dhacay si lacagaha loo bedesho ama loogu eedeeyo inay si sharci daro ah ku heleen.

Maaxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.