X

Argagaixisada oo laga soo badbaadiyay 40 caruura oo ay qafaasheen

Ciidanka xooga dalka qaybta 14-ka Oktoobar ayaa soo badbaadiyay 40 caruura oo ay qafaasheen argagixisada dhiigmiiratada Shabaab kadib weerar dib u xoreyn ah oo ay u qaadeen deegaano hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose.


Deegaan u dhow Bariire ayaa ciidanku saakadii hore kukalahay halkaas oo ay ku dileen dhiigmiirato isku diyaarinaayay xasuuqa ummaada.

”Waxaan goobta ugu tagney in ka badan caruura oo dhiigmiiratadu u tababaraysay is qarxinta iyo dilal qorsheysan. Caruurtan oo gobolada Kofurta laga soo qafaashay ayaanba qaadi karin qoriga ayuu yiri korneyl u hadlay ciidanka.


”Caruurta waxaan geyn doonaa goob lagu xanaaneeyo inta caqligii laga xaday iyo beentii lagu soo shubay laga meyrayo. Caruurta argagixisadu qafaalato ayaan loo sheegin halka ay u socdaan iyo waxa ay u socdaan iyo cida ay la dagaalayeen.

Maaha markii ugu horeysay ee caruur laga soo badbaadiyo dhiigmiiratada ku qaraabata dinteena macaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.