X

Is dhexgal aan weligeed la fileyn oo ka dhacay Afgaanistaan: SAWIRO

Is dhexgal aan weligeed la fileyn ayaa ka dhacay Afgaanistaan. Waxay ahayd ciidii kahor markii argagixisada Talibaan ee Wahaabiyada iyo Salafiyiinta Sucuudigu taageeraan ay ku dhawaaqeen inay xabad joojin samaynayaan ciida.

Waa ka dhabeeyeen waxayna dhigeen xabad joojin sadex cisho oo ku eg beri oo Axada. Waxase intaas kadib la arkey askartii ciidanka Afghaanistaan iyo kuwii argagixisada Talibaan oo isdhexgalay sawirana iska qaadaya.



Muuqaalka noocana ayaa dadka reer Afgaanistaan ee caadiga ku noqdey la FILANWAA. Argagixisada Talibaan ayaa lagu yaqaan inay xasuuqaan dadka caadiga ah ee ciidaya.

Madaxweynaha Afgaanistaan ayaa u sheegay argagixisada Talibaan oo xasuuqey kumanaan reer Afgaanistaana intii Maraykanku ka tuurey xukunkii ay cunaha hayeen dalka fiqiirka ee Afgaanistaan sanadii 2011, inay kordhiyaan xabad joojinta.

Dhaxalsugaha Sucuudiga ayaa qirtey in Wahaabiyada loo isticmaalay si loola dagaalamo dawladii Soofiyeetka markii ay Afgaanistaan soo galeen sanadii 1979, ayagoo la kaaashadey Maraykanka.



”Ilaa hadda ma qaadan karo ayuu yiri nin shacaba oo arkey askartii dawladii iyo argagixisadii oo sawir kuwada jira, laba cisho kahorna is dagaali jirey”.

Nin kale ayaa isna yiri maleeshiyada caadiga ah ee argagixisada oo diin waxba ka aqoon waa la cafin karaa laakiin madaxda argagixisada lama cafin karo maadaama dadka ay gaaleyeen kadibna xasuuqeen ciidaa ka batey.



Si kasaba ha ahaatee waxa falkan ka xumaadey argagixisada ka sii xun ee Daacish ee isla Sucuudigu taageero. Argagixisada diinlaaweyaasha ee magacyada badan ayaa seexad u diidey wadamo badan oo Somaliya ku jirto.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.