X

Axmed Madoobe muxuu ka yiri dagaalka Tukaraq ee barakciyay masaakiin

Axmed Madoobe muxuu ka yiri dagaalka Tukaraq ee maamulada Somaliland iyo Puntland ku dul dagaalmayaan shacabka la taagdaran nolosha caadiga. Dagaalkan ayaa yimi kadib markii Muuse Biixi weeraray Tukaraq dadkii deganaana ka qaxeen.



”Ma arko sabab uu dagaal uga dhaco Tukaraq ayadoo dadka waxyeeladu soo gaarayso ay tahay dadka shacabka ah ee ku nool deegaanadaas ayuu yiri Axmed Madoobe.

Muuse Biixi ayaa ku doodaya inuu gaarayo xad Ingiriis uga tagey oo ku dhow Garoowe halka Gaasna taagan yahay inayna jirin dhul Ingiriis siiyay Muuse Biixi oo Ingiris la eryay 1960.



Ingiriiska ayaa diidey inuu aqoonsadfo Somaliland una sheegay inay dawlada dhexe la dhamaystaan gooni goosadnimada oo hadda burburtey markii madaxweynihii hore ee Somaliland C/raxmaan Tuur sheegay inay ka noqdeen goosadka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.