X

Is diiwaangelinta xilka gudoomiyaha barlamaanka oo bilaabatey

Is diiwaangelinta xilka gudoomiyaha barlamaanka ayaa bilaabatey. Gudiga la magacaabay ayaa war ka soo saaray mudada la qabanayo musharaxnimada gudoomiyaha barlamaanka.



Is diiwaangelinta Musharaxiinta ayaa waxa ay soconeysaa 23-ka April oo maanta ku beegan ilaa 24-ka April oo berri tallaado ah, waxaana watiga shaqada uu yahay 10:00-AM ilaa 05:00-PM, sida lagu sheegay warqadda ay soo saareen Guddiga qaban qaabada doorashada.



Sidoo kale,Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shalay kullankooda 2-aad ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay soo saareen Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,waxayna sheegeen in doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay dhaceyso 30-ka bishan April 2018-ka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.