X

Is rasaasayn ka dhacdey garoonka Gaalkacyo oo khasaare sababtey

Is rasaasayn ka dhacdey Gaalkacyo ayaa khasaare sababtey. Is rasaasayntan ayaa ka dhacdey dhinaca dambe ee garoonka diyaaradaha ee magaalada halkaas oo dhalinyaro qoryo wataa ay rabeen inay xoog ku dhistaan.


Ciidanka ilaalada oo iyagu digniino hore qabay ayaa ka hortagay waxana dhacay is rasaasayn, taas oo sababtey dhimashada hal askari iyo dhaawaca afar ruux oo kale.

Fowdada dhulka ayaa meelkasta ka taagan Somaliya guud ahaan tana waa mid ka mida burbrka iyo dawlad la’aanta ayuu yiri goobjooge.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.