X

Abiy Axmed oo war ka soo saaray Ismaamulka Somalida iyo Jabuuti oo dad la baxdey

Abiy Axmed ayaa war ka soo saaray rabshadaha ka dhacay Ismaamulka Somalida halkaas oo aan ilaa hadda la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay rabshadihii iyo bililiqadii ka dambeysay.


Abiy Axmed oo isagu amrey in ciidanka dawlada dhexe galaan Jigjiga kadib markii uu amar diido sameeyay Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda xilka hogaanka ku wareejay gacayarehiisii waaxda maaliyada ee ismaamulka.


ā€¯Waxaan farayaa dhamaan in si deg dega loo joojiyo rabshadaha iyo iscunka ka bilowdey Jigiga iyo Diridhaba ee u dhexeeya Oromada iyo Somalida ayuu yiri Abiy Axmed oo la hadley idaacada Itoobiya

Oromadu ayaa weerartay Somalidii ay wada deganaayeen magaalada Diridhaba ayagoo marmarsiiyo ka dhigtey in Oromo lagu diley Jabuuti , Jigjiga iyo Boosaaso.


Abiy Axmed ayaa u muuqda in ay sumcadu kaga xumaatey markii uu askar soo geliyay ismaamulka waxase la sheegay in ay ka fursan weysay markii amar la iska maqli waayay. Waxa sidaaasi yiri sarkaal Itoobiyaana oo diidey in magaciisa la sheego.

Dad reer Jabuuti ah

Diyaarad uu soo direy madaxweynaha Jabuuti ayaa qaadey dalxiiseyaal reer Jabuuti oo ku sugnaa Diridhaba pp la sheegay inay gaarayaan 150 qof oo haween iyo caruur u badan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.