Madaxa isbitaal Xayaad ee Camuud, Boorama ruug cadaa Dr Maxamed Xasan Dirir ayaa hawl weyn u jooga dalkaasi Cumaan oo lagu horumarinayo tayada isbitaal Xayaad oo ah isbitaal casri ah oo ku yaal Boorama marar aad u badana lagu bartey in ay fuliyaan hawlo tabaruca ayaa laf dhabar u ah dadka deegaanka.
Dr Maxamed Xasan Dirir oo hore u ahaan jirey isku duwihii wasaarada caafimaadka ee goboladii Woqooyi Galbeed iyo Bay xilligii ay jirtey dawladii kacaanka ayaa muddo dheer ahaa madaxa isbitaalka weyn ee Nizwa ee dalkaasi Cumaan.
Dr Dirir ayaa doorbidey in uu isku xiro labada isbitaal ee Xayaad iyo Nizwa si Isbitaalka weyn ee Nizwa uga caawiyo isbitaalka Xayaad dhinacyo badan oo uu u baahan yahay maadaama Isbitaalka Nizwa ku xiran yahay dawlad weyn.
Dr Dirir oo aan wax ka waydiinayay rajada uu ka qabo in uu mataaneeyo labada isbitaal ayaa sheegay in hawshu meel fiican u marayso oo uu rajaynayo in natiijo fiican uu kala soo noqdo.
Isbitaal ayaa inta badan ka helo deeqo dhinacyo badana hay’ado caalami ah si isitaalku u noqdo mid iskaga filan adeegyo badan daboli karana baahida weyn ee taala gobolka.
ARAABINEWS
![nh board[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/02/nh-board1-300x300.jpg)
![310339009[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/02/3103390091.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay