X

Isbitaalada Muqdisho iyo kuwa dalka oo looga digey inay joojiyaan adeegyada

Wasaarada caafimaadka dawlada dhexe ayaa uga digtey isbitaalada magaalada Muqdisho iyo kuwa kale inay joojiyaan adeegyada ay bixiyaan xilli shacab badan la diidey in la arko.


Wasaarada ayaa sheegtay in ay qalad tahay in dadka aan la arkin sababo la xiriira cudurka Kooro-19. ā€¯Maamulada waxa laga rabaa inay bixiyaan adeegyada ay bixin jireen.

Ma aqbalayno in aan aragno shacab Somaliyeed oo daryeel xumo u dhinta ayagoo waayay adeegyadii ay bixin jireen isbitaalada. Waxa hubaala in tayada isbitaalada daljku ayna jirinba.


Waxa haddana baqdintu ka jirtaa cudurka Kooro oo Ilaahay mahadii aanan badneyn. Dadka qaba xanuunada kale ama xanuusan waxay wici karaan lambarka si kadib loo jiheeyo.

Dhinaca kale isbitaalka ay dawladu u diyaartisay dadka uu soo rito Kooro ee Martiini ayay wasiiradu sheegtay in hadda loo dhamaystirey qaybta degdega.

Tirada cusub ee laga helay cudurka Kooro


Wasiir Fowsiya Abiikar oo warbixin ka bixisay kiisaska cudurka Kooro ee u dambeeyay ayaa sheegtay inay hadda uu sii faafay kadib markii 49 qof laga helay cudurka, taas oo tirada guud ka dhigeysa 286 qof.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.