X

Haweenay muwaadin Somali ah midi ku gelisay dalkaasi Koofur Afrika

Booliiska magaalada Keybtawn ee dalkaasi Koofur Afrika ayaa gacanta ku dhigey haweenay Koofur Afrikaana oo muwaadin Somali ah midi ku dishey markii ay ku gaadey.


Haweenayda ayaa la sheegay inay iyadu lahayd tukaan uu muwaadinta Somaliyeed ee ay dishey ka kireystay. Waxase dhacdey muran kadib inay midi kala haleeshay halbowlaha sidaana naftu uga baxdey.

Marxuunka ayaa magaciisa lagu soo koobau Salaad, wuxuuna tuikaan ku lahaa magaalada ay dhismaha lahayd haweenaydu. Salaad ayaa dadkas deegaanku si weyn u yaqaanay maadaamaay wax ka gadan jireen.


Waxayna aad uga xumaadeen dilka nacasnimada ah ee aanu fileyn. Lama garan karo waxa haweenayda ku kelifay inay gaarto heer ay dil ku fekerto.

Waa dilkii uGu horeeyay ee noociisa ee ay ku kacdo haweenay xilli looga bartey in Somalidu lagu dhaco laguna dilo tukaanadooda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.