Camuud–Isbitaalka weyn ee Alxayaad ee Boorama ayaa baadhitaano caafimaad ka sameeyay degmada Baki halkaas oo hooyooyin badan oo uurleh lagu baadhay iyaga iyo ilmaha uurka ku jira. Waxa kale oo ay sameeyeen baadhitaano kale oo caafimaad oo dadkii loo sameeyay ay aad ugu riyaaqeen.
Madaxa Isbitaalka Dr Maxamed Xasan Dirir ayaa warbixin kooban ka bixiyay adeegyada isbitaalka uu bixiyay iyo qaybaha kala duwan ee adeegyada iyo waliba tababarada ay bixiyaan isbitaalka.
Dr Dirir ayaa sidoo kale sheegay in 25 dhaqaatiira ay joogaan isbitaalka kaas oo noqonaya kan ugu balaadhan Somaliland iyo xataa koofurta Somaliya.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay