X

Ismari waa u dhexeeya Xasan Sheekh oo beeshiisa la raba kuraas uga soo baxda gobolka Banaadir iyo maamulada kale

Wararka ka soo baxaya shirka lagu sheegay madaxsha qaran ee aan loo dhanayn barlamaankiina la garab maray markii Xasan Sheekh ku guuldaraystey in uu marhore kala tuuro sheekada isbedelka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh la soo baxay qorshe uu beeshiisa kuraas ugu raadinayo gobolka Banaadir.

Waxa warkaasi diidey maamul jufeedyada kale sida Puntland iyo Jubba oo sheegay in Muqdisho tahay caasimad ayna u baahan tahay maqaam la isla ogyahay laguna heshiiyay taas ayna balan qaadeen dawladaha jaarka shirki Garoowe.

Gaas waxa uu tilmaamay in Puntland aysan ku dhiiraneynin in mar qura ay baalmarto sharci u degan dalka, balse taa looga baahan yahay inay sameyso Dowlada oo uu sheegay in looga fadhiyo inay hagaajiso khaladaadka jira.

“Puntland wey ku adag tahay inay aqbasho Heshiis mar hore la saxiixay in wax laga bedelo waayo waxa ay taasi horseedi kartaa in dib uu u dhaco Hanaanka hormarineed ee Somalia”

“Heshiis la saxiixay haddii ay Dowladu ku dhiirato inay faragaliso oo ay Muqdisho kusoo darto aqalka sare micnuhu waxa ay ka dhigan tahay sharciga waxaa ka weyn sharci darada”.

Gaas waxa uu sidoo kale sheegay in nasiib darro uu u arko in Madxaweynaha Qaranka uu sida uu doono u maamusho Heshiisyada la keydiyay ee la doonaayo in loo maro Hanaanka doorasho.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.