X

Xukun lagu riday dad fududeeyay iyo kuwo lug ku lahaa qaraxii Daalo: SAWIRO

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukuntay eedeysanayaal loo heystay in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Diyaaradda Daalo labadii bishii labaad ee sanadkaan.

Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Xukunka wuxuuna tilmaamay ,in C/wali Maxamuud Macow iyo Careys Xaashi Cabdi oo maqane ah ay ku riday Xukun xabsi daa’im.

Xasan Cali Shuute aya intaas ku daray in C/wali Maxamuud Macow oo ahaa madaxii amniga ee hey’adda duulista iyo saadasha hawada ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, uu isagu ka dambeeyay Qaraxii diyaaradda Daallo Airline.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Careys Xaashi oo aan xaadir ku ahayn Maxkamadda lagu helay in uu ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab kaas oo la sheegay in uu ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee soo agaasimay werarkii Daallo.

Sidoo kale, Abshir Maxamed Macalin Axmed, Safiyo C/laahi Xasan Cali waxaa ay ku xukuntay afar sano oo xabsi ciidan ah, halka Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen (Qoorey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi ay ku riday xukun ah min hal sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxaa ay xukun min lix bilood oo xabsi ciidan ah ku riday dadka kala ah; Bashiir C/laahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Daahir Diiriye.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida, sidoo kale waxaa ay fasaxday 5 qof kale  oo lagu wayay wax dambi ah, wxayna kala yihiin; Cumar Macalin Calasow, Cali Maxamuud C/raxmaan, C/laahi C/qaadir Abuukar, Ismaaciil Maxamed Xirse iyo Faarax Khaliif Cali Maxamed.

Dhacdadii Diyaaradda Daallo Airline oo ay ku lug yeesheen Saraakiisha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya arrinteeda ayaa si weyn looga dhur sugayay go’aanka ay ka qaadato Maxkamddu dadka loo soo qabtay kiiskaasi.

 

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.