X

Itoobiya iyo Eritariya oo dib u bilaabaya xiriir cusub: WARBIXIN

Itoobiya iyo Eritariya ayaa dib u bilaabaya xiriir cusub. Booqasho uu wasiirka arimaha dibedda Eritariya Cusman Saalax ku tagey Itoobiya ayaa hordhac u ah xiriir cusub oo ay yeeshaan labada dal ee awal halka dal ahaa.


Ra’isul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo la kulmay Wafdigaasi cashana u sameeyay waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in Xiriir Wanaagsan la yeeshaan Eritariya, kana shaqeeyaan danaha shacabka.

“Rabitaankeenna waa Jacayl, halkii uu Nacayb ka ahaan lahaa, waan u hilownay Walaalaheenna ku sugan Asmara. Haddii aan nahay kuwo is-jecel, waxa kale waa wax iska yar” ayuu yiri Abiy Axmed Cali


Waxa uu carrabka ku dhuftay inaan loo baahnayn in Jiilalka soo socda loo abuuro colaad iyo is-nacayb.
“Marka ay carruurteenna koraan, waxaan doonaynaa inay ka fekeraan inay walaalo ku leeyihiin dhinaca kale ee Xuduudka” ayuu yiri Abiy Axmed Cali.

“Dadka Itoobiyaanka ee danaynaya inay booqasho ku tagaan magaalada Musawa ee Dekedda leh ee dalka Eritariya, waxaan ugu baaqayaa inay diyaar noqdaan, iyadoo ay Itoobiyaan Airlines u bilaabi doonto adeegaasi sida ugu dhaqsaha badan” ayuu yiri Ra’isul-wasaare Abiy.


Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Eritariya Cusmaan Saalax oo isagana Casuumaadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Booqashadiisa albaabka u furtay Albaabka Nabadda.

“Maanta waa maalin Farxadeed, waayo dadka wada dhashay iyo labad jiil waxay kala qoqobnaayeen muddadaasi, laakiin iyadoo loo marayo Halgan, waxaan wada furnay Albaabka Nabadda” ayuu yiri Cusmaan Saalax.


Hogaanka Abiy Axmed Cali ayaa gaaray Itoobiya oo dhan waxana la dareemayaa siyaasad bisil oo aan Afrika inteeda badan lagu aqoon.

Soo diyaarintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.