Itoobiya iyo Eriteriya ayaa qaaday xanibaadii ugu dambeysay ee u dhaxaysay labadooda dal. Tan ayaa imaanaysa furfurnaanta uu la yimi raiisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Cabdi Axmed.
Furitaanka Waddada gobolka Zalambesa ee Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa dabo socota heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee ay bishii Luulyo kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eriteriya, arrintaas oo soo noolaysay xiriirkii dublamaasi ee labada dal oo mar cadaw isu ahaa.
Arintan ayaa waddada u xaaraysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay.
Imaaraadka iyo Maraykanka ayaa ku faanay soo celinta xiriirka labada dal.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay