11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Itoobiya oo ansixisay dawlad goboleedkii tobnaad

Barlamaanka Itoobiya ayaa ansixiyay dawlad goboleedkii tobnaad ee dalkiisi yeesho kadib cod lo qaaday qowmiyada Sidamo oo awal ku dhex milneyd ilaa 50 qabiilo oo yar Koofurta dalkaasi.



Waxaan welli aan xal laga gaarin caasimada dawlad goboleedkaas cusub oo markii hore ahayd Xawasa laakiin ay degan yihiin dad aad u farabadan oo ka soo jeeda qabiilada kale.



Qabiilada kale ee welli u haray jacburka Koofurta ayaa iyaguna bilaabay in cod loo qaado si ay u noqdaan dawlad goboleed gooniya oo cadkiisa ka hela dawlada dhexe.

Nidaamka goboleysiga ee dalkaasi Itoobiya ayaa waxa dhigey dilaagii Milas Sanaawi oo u tudhaayay qoomiyadiisa yar ee Tigreega laakiin faaiido ugu jirtey dawlada Somali galbeed.



Sanaawi ayaa qayb ku lahaa goboleysiga ka jira dawlada dhex asgo rabay meel uu ka soo galo dalka Somaliya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS