X

Itoobiya oo beenisay war ay qortey idaacada ugu beenta badan aduunka

Wasaarada warfaafinta Itoobiya ayaa beenisay war ay qortey idaacada ugu beenta badan aduunka ee Been been sii (BBC) qaybteeda Axmaariga oo haddana ay ku baahisay dhamaan wararkeeda kale er ku baxa luqadaha kale.


Idaacadan Ingiriisku leeyahay ayaa ka mida idaacadaha caadiga ay u tahay inay been ka afuufaan geeska Afrika, waxayna hormood ka ahayd isku dirkii qabiilada Somalida 1991, ayadoo toos ula safnayd maleeshiyadii SNM.


Waxay shalay sheegtay in Itoobiya si ku meel gaadha u xirayso dugsiyada si ay u qorato askar u dagaalanta ama kor u qaado dadka galaya askarta. Warkan ayaa waxa ku qosley wasaarada warfaafinta Itoobiya waayo waxa Itoobiya u caadiya inay xilliga uu soo go’ayo abuurku muddo gaaban la fasaxo dugsiyada si ay uga qayb qaataan ama u caawiyaan waalidkood in beerta la gooyo

Itoobiya ayaa dhaqaalaheeda ugu weyn uu yahay wax soo saarka beeraha waana muhiim in dalaga soo go’ayo la dedejiyo si aanu u xumaan.



“Warbaahinta reer Galbeedka ayaa waxay qori jireen in maleeshiyada Tigreega oo hadda boqolaal boqolaal isku soo dhiibaya ay ku dhow yihiin inay qabsadaan Addis Ababa iyo Cabi Axmed oo dal ku-gal raadsanaya, tana waxay ka mid tahay wararka beenta ah ee joogtada ah ayay yidhi wasaaradu. Ma hadda ayaan askar u baahanay ay maleeshiyadu kumanaan isku soo dhiibayso ayay raacisay

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.