X

Dhacdo laga argagaxay: Nin ku sheeg xaaskiisa u diley 25 doolar

Ciidanka amniga ayaa raadinaya nin ku sheeg magaalada Muqdisho ku diley xaaskiisa oo ay u joogaan 9 caruura. Dhacdadan laga anfariiray ayaa xalay ka dhacday xaafada Xamar jajab. Ehelada hooyadan la diley ayaa ka wararmay sidey wax u dhaceen.


”Waa jireen waxyaabo yaryar oo la xaliyay hadda kahor laakiin wax kale oo weyn maanu ogeyn ayay tiri gabadha walaasheed oo aad uga qiireysan. ”Hooyadeed maba hadli karayso oo waad u jeedaan.

Gacan ku dhiiglahan ayaa xaaskiisa uu midida ku diley ka dalbadey 25 doolar oo ay hooyadu leedahay, muran kadib waxa ka qabtey wiilkeeda oo dibedda u soo saaray aabihii, mase ogeyn inuu haysto midi.


Hooyadii oo dibedda joogta ayuu ku boobey mindidii oo dhowr meelood uga dhiftey kadibna wuxuu ka baxsaday isla goobtii. Hooyada ayaa saaka la aasay.

Waxase kaaga daran inuu weliba telfoon ka soo dabadirey oo uu la soo hadlay wiilkiisa oo u sheegay in hadda la aasayo hooyadii una sheegay inuu isagu ku xigi doono.



Ehelada ayaa dalbanaya in si degdega loo soo qabto kadib hore laga dilo si qoysku cadaalad degdega u helo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.