X

Itoobiya oo dhamaystirtey wado isku xirta Jabuuti iyo Diridhaba lacagna ku bilowdey

Dawlada Itoobiya ayaa dhamaystirtey wado laami ah oo isku xirta magaalooyinka Diridhaba iyo Diwaale oo ah xadka Jabuuti. Labadan magaalo oo aan sidaa u kala fogeyn ayaa markii hore loo dhixi jirey hal maalin hadase lagu tagayaa afar saacadood oo kaliya.


Itoobiya ayaa ganacsi xoogan oo malaayiin ka soo galo la leh Jabuuti oo ku filaan weyday inay quudiso dadkeeda. Boqolkiiba 80 cuntada laga cuno Jabuuti ayaa ka timaada Itoobiya halka qaadkuna u dheeryahay.


< p style="text-align: justify;">Halka Jabuuti ay ka soo gasho kaliya lacag qalalan oo aan buurneyn dekedaha ay ka kirayso Itoobiya iyo cashuurta aan badneyn ee ay qaado.

Wadadan ayaa gawaadhida waaweyn laga qaadi doonaa 7 doolar halka kuwa kalana laga qaadi doono ilaa 3 doolar.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.