Nayroobi–Kadib fadeexad qabsatay socdaal madaxweynaha Kiiniya ku tagi lahaa Maraykanka kadib markii diyaaradii uu la socday laga celiyay hawada Somaliya ayna ka celiyeen laanta hawada ee Itoobiya. Kadib wareer jiray in muddo ah ayaa waxa hadda la ogaaday in ay ahaayeen laanta hawada ee Itoobiya kuwa u sheegay diyaaradaas uu la socday madaxweynaha Kiiniya in ay dib ugu noqoto hawada Somaliya.
Waxay u sheegeen bayloodka diyaarada in ay ku socdaan hawada Yaman oo khatara isla markaana ay dib uga noqdaan halka run ahaantii ay dul socdeen hawada Somaliya ee ayna wali gaarin hawada Yaman.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Kiiniya Dina Mufti ayaa wasaarada arimaha dibedda ka soo qaatay warqad cabasho ah oo ku saabsan safarka madaxweynaha ee baaqdey. Dawlada Itoobiya ayaa raaligelin ka bixisey khalkhalkaas sheegtayna in arinta hadda la xaliyay.
C/llaahi WArmooge
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay