X

Itoobiya oo diyaaradaha ka mamnuucdey inay dulmaraan biyo xidheenka Niil

Madaxweynaha Itoobiya ayaa sheegay in biyo xidheenka wabiga Niil uu faaiido weyn u keeni doono dalka ayna muhiim tahay in degdeg loo furo, xilli ay sheegtay in welli ay socdaan in biyaha wabiga laysla meel dhigo dalalka uu ku qulqulo ee Masar iyo Suudaan.


Waaxda duulista ee Itoobiya ayaa sheegtay in biyo xidheenka Niil laga mamnuucay inay diyaaraduhu dulmaraan noocay doonaanba ha ahaadaane. Itoobiya ayaa ku rakibtey gantaalo ay Ruushka ka soo iibsatey duleedka biyo xidheenkan balaadhan.

”Waa talaabo loo qaaday dhinaca amaanka ayuu yiri masuul u hadlay waaxda duulista. Talaabadan ayaa loo arkaa mid looga hortago weerar gaadmo oo Masar ama dawladaha kale ku qaadi karaan biyo xidheenka amaba lagu weerari karo diyaaradaha aan is wadin.


Maraykanka ayaa bishii hore a jaray Itoobiya lacago deeqa oo farabadan kuna sheegay falka Itoobiya keligeed ku buuxisay biyo xidheenka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.