X

Taariikhda iyo waayihii ruug cadaa AUN Prof Cali Khaliif Galaydh

Dr. Cali Khaliif Galaydh waxaa uu ahaa siyaasi Soomaaliyeed, waxaana uu mar soo ahaa wasiirkii koowaad ee Soomaaliya (2000-2001), Wasiirka Arrimaha Gudaha (1965-1967) iyo Wasiirka Warshadaha (1980-1982).

Cali waxa uu ku dhashay gobolka Sool, halkaas ayuuna qeybta hore ee noloshiisa ku soo qaatay inteeda badnayd, ilaa uu ka dhameystay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd, ilaa markii dambe uu gugsigiisa Sare ku dhameystay degmada Sheekh.


Waxaa uu ahaa aqoonyahan darajada tacliinta maadiga ah ka gaadhay takhasusta ugu dambeeya tacliinta reer galbeedka ee loo yaqaan P.hd.

Waxaa uu ahaa Macalin iyo qof muddo dheer soo ahaa shaqaale dawladdeed, oo qeybaha kale duwan ee dowladnimo kasoo shaqeeyay.


Dr. Cali Khaliif Galeydh waxa uu in mudda ah ka soo shaqeynayay qeybaha waxbarashada Soomaaliya, isaga oo macalin iyo bare kasoo ahaa machadkii Somali maraykanku sameeyay ee maamulka ee loo soo gaabin jirey luqada gaalada SIPA.

Halkaas oo uu markii dambe ka noqday agaasime. Cali Khaliif waxaa lagu xasuustaa agaasimidda barnaamijyo hormarineed oo Soomaaliya ka socday 1970-aadkii ilaa 1980-aadkii, isaga oo si gaar ahaa u maamulayay Mashruucii Sonkorta ee Jubba.

Galeydh waxa uu sanadkii 2000 noqday xildhibaan, iyada oo uu isla waqtigaas noqday Raysal Wasaarihii ugu horeeyay ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.


Cali Khaliif Galaydh waxaa 2014-kii loo doortay Madaxweynaha Maamulkii Khaatumo.

Cali waxa uu dadaal xooggan ku bixiyay in la helo maamul u gaar ah gobolada Sool iyo Sanaag oo ka madaxbanaan laba jufo ee jaarka ee Somalilaan iyo Butlaan. Waxase uu garab ka heli waayay maamuladii jirey xilligaas sida fadhiid Xasan Sheekh iyo Shariif sh Axmed. Waxa aakhirkii uu la heshiiyay maamulkii Siilaanyo ee Somalilaan. Waxase heshiiskaas diidey inuu fuliyay horjooge Muuse Biixi.

Maalmihii u dambeeyay wuxuu joogey Jigjiga halkaas oo la sheegay in xanuun ku soo booday una geeriyooday.

Waxbarashadiisii:


1962-kii ayuu Cali Khaliif Galeydh dhameeyay Dugsigiisii Sare ee Sheekh, oo ka tirsan gobolka Togdheer.

1965-kii, waxa uu Cali dhameeyay Waxbarashadiisii Jaamacadda ee Heerka 1-aad, taas oo uu ku qaatay Jaamacadda Boston ee dalka Mareykanka.

Isku duubaa Prof Cali Khaliif ayaa ka mid ahaa ruug cadaayada wax badan laga weydiin karo dalkiisa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.