X

Itoobiya oo eriday shaqsiyaad ku dhuuntey magaca gargaarka

Wasaarada arimaha gargaarka ee Itoobiya ayaa soo saartey 7 qof oo ay u sheegeen inay dalka uga baxaan muddo 5 maalmooda. 7-dan qof ee u shaqaynayay qaramada midoobey ayaa ku xad-gudbey sharciga ay ku joogaan. Mid ka mida ayaa ah Somali.


Afhayeen u hadlay dawlada ayaa sheegay in 7-da qof ee u shaqaynaayay hay’adaha qaramada midoobey lagu helay inay si toosa faraha ugula jireen siyaasada arimaha gudaha ee dalka.

Itoobiya ayaa hore u qabatey hay’adaha reer galbeedka oo hub iyo lacago u gudbinaya Tigreega oo ay u arkaan inay isku diin yihiin ayagoo neceb Oromada haysata xukunka dalka.


Oromada waxay u haystaan dad la gumeysto laakiin waxay ahayd mida haysa dawladnimada Itoobiya. ”Cashar haku qaataan ayuu yiri hay’adaha kale raggan lagu helay inay lidi ku ahaayeen caafimaadka bulshada ayaa lagu yiri qoraalka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.