X

Itoobiya oo gantaalaha lidka diyaaradaha ka iibsanaysa Ruushka xilli Masar

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2019-10-24 10:18:40Z | http://piczard.com | http://codecarvings.com

Xilli uu dhamaadey shirkii u dhexeeyay Ruushka iyo Afrika halkaas oo Ruushku ku soo bandhigey sida uu u caawin karo dalalka Afrika oo ay ka dhexeeyeen xiriir fiican xilligii dagaalkii qaboobaa ee reer galbeedka iyo midowgii Soofeeti.


Hadaba Itoobiya oo dagaal biyood aan welli qarxin uu u dhexeeyo iyada iyo Masar oo ku nool biyaha webiga Niil ayaa sheegtay inay danaynayso gantaalaha lidka diyaaradaha ee loo yaqaan Bansiir.

Gantaalaha lidka diyaaradaha ee Bansiir ayaa ku rakiban halĀ  gaadhi oo halkuu doono isku qarin Kara kana difaaci Kara goobaha muhiimka ee dalka siiba caasimadda iyo biyo xidheenka. Masar ma haysato hub moocaas inkastoo xiriirka u dhexeeya iyada iyo Yuhuuda uu keenay isku halayn.


Sawirka hoose waa hubka Bansiir oo Ku wada jira hal gaari

Dhexdhexaadin la bilaabey

Dawladaha Masar iyo Itoobiya ayaa ku kala kacay hindise cusub oo Masar soo jeedisay taas kadibna laga soo xigtey saraakiil Masaariya in arintu dagaal ka fursanayn halka Itoobiyana sheegtay inay is daafici doonto.


Hubkan kartida leh ayaa isku filan inuu keligii dagaalamo awoodna u leh inuu adeegsado noocyada hub ee ku jira sida gantaalaha ridada dheer iyo kuwa lagula dagaalamo noocyada kala duwan ee diyaaradaha dagaalka. Wuxuuna wataa raadaar isagu leeyahay.


Lama sheegin in Itoobiya qalinka ku duugtey. Madaxweynaha Ruushka ayaa u sheegtay labada wefti inuu jecelyahay inuu kala dhexgalo. Waxase labada wufuud ee Masar iyo Itoobiya sheegeen inay bilaabeen wadahadal hoose.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.